Madaxweyne Xassan Sheekh oo Dubai uga qeyb-gallaya shir ganacsiga ku saabsan

by admin | Tuesday, Nov 17, 2015

Dubai : HN :– Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta magaalada Dubai uga qeybgalay shirka Global Business Forum ayaa sharaxaad ka bixiyay fursadaha maalgashi ee xiligan dalkeena ka kajira iyo sida dalkeenu usoo hagaagay.

Madaxweynaha Ruwanga Paul Kagame ayaa isna sharaxaad ka bixiyay sida Africa diyaar ugu tahay maalgashi ay ku sameeyaan shirkado iyo dalalba ,sidoo kale waxaa Soomaaliya lagu aamaanay isbedelka ay muddada kooban sameysay.

gana_2Waxaa kale oo madaxweyne Xassan Sheekh uu ka hadlay wax soo saarka dalkeena ee beeraha iyo xoolaha oo u baahan in aduunyadu ka faa,iideysato isagoo dhinaca kale amaanay doorka maalgashi ee qurba joogta Soomaaliyeed oo 2 milion oo qof kor u dhaafaya ay dadaalka ugu jiraan sidii ay dalkooda dib ugu maalgelin lahaayeen.

Madaxweyaha ayaa si khuta dheer uga hadlay sida dalku uga nabdoonyahay xiligan halistii ay aragagaxisadu ku heysay maadaama uu amnigu aad usoo hagaagay lagana hiirgelin karo maalgashi nooc kasta leh oo caalami ah si maalgashadayaasha iyo Soomaaliduba uga faa,iidaan.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!