Madaxweyne Xassan Sheekh oo faray laamaha ammniga sugida nabad-galyada caasimada

by admin | Saturday, Mar 28, 2015

Masar : HN :– Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xassan Sheekh Max’uud oo ku sugan dalka Masar, ayaa faray laamaha nabad-galyada dowladda in ay sugnaa ammniga caasimada gaar ahaan sidda uu hadalka u dhigay hotellada muhiim ah.

Baaqa madaxweynaha ayaa ku soo beegmaya kadib weerar  Al-Shabaab ay ku qaadeen Hotelka Maka Al-Mukaramaoo geystay dhimasho iyo dhaawac badan.

“Waxaa farayaa dhamaan Hey’adaha amniga in taxadar dheeri ah laga muujiyo amniga hotelada, goobaha muhiimka iyo xarumaha Xasan-Sheekhdowladda, nimankan naf la caariga ah in laga hortago mooyee, wax kale oo asxaan ma lahan”ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku sugan dalka Masar.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa sheegay in aysan niyad jebin doonin shacabka weeraradan oo uu ku tilmaamay inay yihiin kuwo naf la caari ah.

“Maka Al-Mukarama ma ahan goob ciidan iyo xarun dowladeed toona, tani waxay daliil u tahay in argagixisada cadaawad u qabaan shacabka, weerarkan nagama joojin karo dadaalka dowladda wado”ayuu yiri Madaxweynaha.

Ugu dambeyn Madaxweynaha ayaa tacsi u diray dadkii ku dhintay weerarkaas, kuwii ku dhaawacmayna waxaa uu u rajeeyay in Alle uu bogsiiyo, wuxuuna bogaadiyay ciidamada amniga ee si deg deg ah uga jawaabay markii, una gurmaday dadkii hotelka ku jiray, soona bad baadiyay.

Hiiraan Net.

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!