Madaxweyne Xassan Sheekh oo gaaray degmada Dhuusa-mareeb

by admin | Tuesday, Feb 10, 2015

Dhuusa-mareeb : HN :– Madaxweynaha dolwadda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa goordhow gaaray degamada Dhuusamereeb ee xarunta gobolka Galgaduud.

Madaxweyne Xassan Sheekh waxaa socdaalkisa Dhuusa-mareeb ku wehlinaya wasiirro, odayaal dhaqameed , xubno ka tirsan guddiga farsamada maamul u sameynta gobollada Mudug iyo Galgaduud, saraakiil iyo siyaasiyiin ka yimid magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa lagu wadaa inuu masuuliyiinta gobollada Mudug iyo Galgaduud kala shiro dar dar geliyo shirka dib u heshiisiintaMadaxweyne_Xasan_Sheekh_Maxamuud_HOL degmada Dhuusamareeb iyo maamul u sameynta gobollada dhexe.

Guddoomiyaha gobolka, kan degmada, Arday, waxgarad iyo qeybaha bulshada ayaa Madaxweynaha kusoo dhaweeyay garoonka Ugaas Nuur ee magaalada Dhuusamarreeb, waxaana la geeyay xarunta uu ka socdo shirka.

Ciidamo ka tirsan dowladda, kuwa nabad Sugidda ,ilaalada madaxtooyada iyo kuwa AMISOM ayaa si weyn u adkeeyay ammaanka magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud.

Masuuliyiin ka socda gobollada Mudug iyo Galgaduud ayaa ku sugan Dhuusamarreeb, kuwaasoo qeyb ka noqonaya masuuliyiin uu madaxweynaha kulamada la qaadanayo.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!