Madaxweyne Xassan Sheekh oo gaaray magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya

by admin | Thursday, Jan 29, 2015

Addis Ababa : HN :– Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa ka gaaray magaalada Addsi Ababa ee xarunta dalka Itoobiya, halkaasoo uu kaga qaybgeli doono shirka hoggaamiyeyaasha Afrika oo dhacaya 30-ka illaa 31-ka Jannaayo.

Wafdiga madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxaa ka mid ah madax sare oo dowladda FS ka tirsan, iyadoo la filayo inuu kulammo gooni-gooni ahXasan_Sheekh_Addis_Ababa la qaato xubno ka tirsan madaxda Afrika iyo xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, Ban Ki-Moon oo isaguna shirka kasoo qaybgalay.

Sidoo kale, shir madaxeedkii wasiirrada arrimaha dibadda ee Midowga Afrika ayaa waxaa Soomaaliya uga qaybgalay, wasiirkii hore ee wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya, C/raxmaan Ducaale Bayle.

Ka-qaybgalka shirkan uu ka-qaybgalayo madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa kusoo beegmaya iyadoo habeen ka hor uu ku dhawaaqay golaha wasiirrada cusub ra’iisul wasaare Cumar C/rashiid.

Ugu dambeyn, shir madaxeedka ururka Midowga Afrika oo Itoobiya ka dhici doona ayaa la filayaa in lagu lafa-guro arrimo badan oo Qaaradda Afrika khuseeya, gaar ahaan Soomaaliya.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!