Madaxweyne Xassan Sheekh oo gaaray magaalada Baydhabo

by wadani | Monday, Oct 3, 2016

Baydhabo : HN :-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goor dhow gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay, si uu halkaas uga bilaabo ololihiisa doorashada, xilli Madaxweynaha xilka sii haya uu tartan adag kala kulmayo Musharaxiinta ugu cad cad doorashada.

Safarka Madaxweyne Xasan Sheekh maanta ku tagay Baydhabo ayaa ahaa mid lama filaan ah, waxaana lagu wadaa inuu kula kulmo qeyaha kala duwan ee bulshada iyo madaxda maamulka koofur Galbeed.

Madaxweynaha ayaa markii uu ka degay garoonka diyaaradaha Baydhabo ayaa waxaa soo dhoweeyay Madaxweynaha Koofur Galbeed Shariif Xasan, Mas’uuliyiinta maamulka, odayaasha dhaqanka iyo dadweyne.

Safarka Madaxweynaha uu ku tagay Baydhabo ayaa ku soo aadaya, iyadoo maalmo ka hor uu magaalada Baydhabo tagay Musharraxa Madaxweynaha Jibriil Ibraahim Cabdulle oo ka mid ah Musharaxiinta ugu cad cad, kaasoo dhowaan Baydhabo ka bilaabay ololihiisa doorashada.

Ugu danbeyntii, dad badan ayaa aaminsan in Jibriil Ibraahim Cabdulle uu yahay Musharaxa halis gelin kara dadaalka Madaxweyne Xasan Sheekh ugu jiro inuu mar kale soo laabto, maadaama uu yahay Musharax ka miisaan badan Musharaxiinta kale, iyadoo Musharaxan da’da yar uu dhowaan bandhig siyaasadeedki ugu ballaarnaa ka sameeyay Muqdisho.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!