Madaxweyne Xassan Sheekh oo gaaray magaalada Cadaado

by admin | Thursday, Jul 23, 2015

Cadaad : HN :–Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xassan Sheekh Max’uud iyo Wafdi uu Hoggaaminayo ayaa Goor-dhow Gaaray Magaalada Cadaado ee Gobolka Galguduud, halkaas oo maanta lagu Caleemo-saarayo Madaxweynaha la doortay ee Maamulka KMG Galmudug, C/kariin Xuseen Guuleed.2015211635592180857840309IB0A4652

Madaxweynaha iyo wafdiga uu horkacayo ayaa kaga qayb-galaya Degmada Cadaado Caleeamo-saarka Madaxweynaha Galmudug, iyadoo sidoo kalena ay degmadaas ku Qulqulayeen tan iyo shalay Wufuud kala duwan oo ka Tagayay Gobollo Somalia Qaarkood.

Amniga Cadaado ayaa aad loo Adkeeyay, iyadoo uu ka socdo Diyaar-garowga Xafladda Dhaarinta Madaxweynaha Galmudug, iyadoo la filayo in dhawaan ay si rasmi ah halkaas uga billaabato xafladda Caleemo-saarka.

Madaxweynaha Galmudug ee maanta la caleemo-saarayo ayaa la doortay 04-tii bishan July, kaddib doorasho ka dhacday hoolka shirarka Magaalada Cadaado oo lagu dhisay maamulka KMG ah ee Galmudug.

Caleemo-saarkan ayaa lagu wadaa inay khudbado kala duwan ka jeediyaan Qaar ka mid ah madaxda ka qayb-galaya, Kuwaasoo uu ka mid yahay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!