Madaxweyne Xassan Sheekh oo gaaray magaalada Entebbe ee dalka Uganda

by admin | Sunday, Nov 8, 2015

Entebbe : HN :–Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka degay magaalada Entebbe oo koofur galbeed ka xigta caasimada Uganda ee dalka Uganda, halkaasoo uu kula kulmi doono Madaxweyne Yoweri Kaguta Museveni.

Madaxweyne Xasan iyo Madaxweyne Museveni ayaa ka wada hadli doona arrimaha amniga gobolka, dardar-gelinta hawlgalada ciidammada AMISOM ee ka dhanka ah kooxaha argagixisada iyo arrimo kale.

Uganda ayaa waxay ka mid tahay dalalka ay ciidammada ka joogaan Soomaaliya, kuwaas oo qeyb ka ah hawlgalka nabad ilaalinta AMISOM.

2015118635825661359191287Madaxweynaha_Somalia_Xasan_Sheekh_Uganda_660Madaxweynaha ayaa socdaalka Uganda kadib, waxaa uu u safri doonaa dalka Jabuuti, si uu ula kulmo Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.

Hoggaamiyeyaasha dalalka ay ciidamada ka joogaan waddanka iyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Shirkii Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ee ka dhacay New York, bishii September, waxay isla garteen dardar-gelinta hawlgalada milateri ee dalka looga sifeynayo kooxda Al Shabaab oo khatar ku ah amniga gobolka iyo kan caalamka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kadib socdaal ku tegi doona magaalada Riyadh ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya , halkaasoo uu kaga qeybgeli doono Shir Madaxeedkii 4-aad ee waddamada xubnaha ka ah Jaamacadda Carabta iyo dalalka ku yaalla Koonfuurta America.

Shirkaasi oo looga hadli doono iskaashiga labada dhinac, ayaa waxaa la filayaa inay ka soo qeybgalaan 22-ka dal oo Jaamacadda Carabta ka tirsan, iyo 12 dal oo ka socda Koonfuurta America.

Safarada Madaxweynaha ku tagayay dalalka dibadda ayaa muddooyinkii u dambeeyay ahaa mid is-daba joog ahaa, iyadoo dadka naqdiya siyaasada dowladda ay ku sheegana safaradaas kuwo aan waxba soo kordhin, isla markaana Madaxweynuhu mudadii xilka hayay aanu arrimaha gudaha dalka waxba ka qaban, marka laga reebo safaro joogto ahaa.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!