Madaxweyne Xassan Sheekh oo gaaray magaalada Johannesburg dalka K/africa

by wadani | Friday, Dec 4, 2015

Johannesburg : HN :–Wafdi uu hogaaminayo madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xassan Sheekh Max’uud ayaa goor dhow gaaray dalka Koonfur Africa oo uu kaga qeyb galayo Shir ballaaran oo ku saabsan xiriirka Shiinaha iyo Afrika .

Waxaana shirkani uu ka furmayaa magaalada Johannesburg ee dalkaasi. iyadoo la filayo  in dalka labaad ee ugusomali-president-hassan-sheikh-mohamud dhaqaalaha badan caalamka inuu shaaca ka qaado balaayiin dollar oo taageero dheeraad ah oo uu siiyo Qaaradani.

Madaxda dalalka Africa qaarkood ayaa la filayaa inay ka qeybgalaan shirka xiriirka Afrika iyo Shiinaha kaas oo u jeedada laga leeyahay ay tahay in lagu sii ballaariyo xiriirka u dhexeeya Shiinaha iyo dalalka Afrika.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xassan Sheekh Max’uud ayaa la filayaa in khudbad uu ka jeediyo shirka oo uu kaga hadlayo fursadaha Maalgashi ee dalkeena hooyo ka jira.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!