Madaxweyne Xassan Sheekh oo gaaray magaalada Kismaayo

by admin | Thursday, Dec 18, 2014

Kismaayo : HN :– Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xassan Sheekh Max’uud iyo wafdi ballaaran oo uu hogaaminayo ayaa goor dhaw oo maanta ah gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Wafdi kale oo hordhac ah oo ka socday dowladda federaalka ah ee Soomaaliya oo isugu jiray wasiirro, xildhibaanno iyo siyaasiyiin kale ayaa saacadihii hore ee maanta gaaray magaalada Kismaayo.

Sii-hayaha xilka wasiirka maaliyadda ee xukuumadda Soomaaliya, Xuseen Cabdi Xalane, sii-hayaha xilka wasiir ku-xigeenka howlaha guud iyo dib-u-dhiska, Maxamed Nuur Shuuriye, xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Xiddig, xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Aadan (Shaacir) iyo xildhibaanno kale ayaa xubno ka ah wafdiga gaaray Kismaayo.

Waxaa siddoo kale wafdiga madaxweynaha dowladda Soomaaliya ka mid ah Cali Maxamed Geeddi oo horay dalka ra’iisal wasaare uga sooXassan madowfiakakka noqday.

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xassan Sheekh Max’uud ayaa lagu waddaa in uu magaalada Kismaayo uga qeyb-gallo munaasabad sagootin ah oo loo samenayo ciidamada dalka  Sierra Leone oo ka baxaya Soomaaliya.

Ciidamada Sierra Leone ee maanta baxaya ayaa muddo sannado ah dalka ku sugnaa, iyadoo aan wax bedel ah lagu sameyn, maadaama uu dalkoodu ka jiro cudurka halista ah ee Ebola oo kumannaan qof ku dilay dalalka ku yaalla Galbeedka Afrika.

Dowladda Soomaaliya iyo Midowga Afrika ayaa horay u sheegay in ciidammo ka socda dalka Sierra Leone aysan imaan karin Soomaaliya, taasoo ay sabab uga dhigeen si looga hortago in cudurka Ebola uu soo gaaro Soomaaliya.

Ciidammada ka socda dalka Sierra Leone ayaa dib ugu laabanaya dalkooda,waxaana la sheegay inay badali doono ciidammo ka socda Itoobiya oo an horay u joogin Kismaayo iyo ciidanka Kenya.

Waa markii ugu horreysay oo ciidammo ka tirsan AMISOM ay Soomaaliya isaga baxaan, iyadoo aanay weli mas’uuliyiinta dowladda ka hadlin sababta bixidda ciidamada ka socda dalka Sierra Leone ay ka baxayaan Soomaaliya.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!