Madaxweyne Xassan Sheekh oo goor dhaw gaaray degmada Baraawe

by admin | Saturday, Oct 11, 2014

Baraawe : HN :– Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xassan Sheekh Max’uud iyo wafdi uu hogaaminayo oo saakay ka anbabaxay magaalada Muqdisho ayaa booqday degmada Baraawe ee gobolka Shabeellaha hoose oo dhawaan laga saaray Al-shabaab.

Wafdiga madaxweynaha oo ka koobnaa wasiiro, xildhibaano iyo suxufiyiin ayaa la sheegay in si diiran loogu soo dhoweeyey degmada Baraawe, iyadoo dadweyne fara badan ay isku soo baxeen.

Gudoomiyaha degmada Baraawe ee dowlada Somalia ayaa saxaafada u sheegay in madaxweynaha iyo wafdigiisa ay si nabad-gelyo sh kuXasan Garb sdoo gaareen degmada Baraawe.

Ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM ayaa illaa xalay sugayey amaanka gudaha iyo hareeraha degmada Baraawe, iyagoo sameeyey howlgalo lagu xirxiray dad laga shakisan yahay.

Madaxweynaha iyo xubnaha la socday ayaa socod ku maray qeybo ka mid ah degmada Baraawe, iyagoo salaamayey dadweyne boqolaal gaaraya oo isu soo baxay, waxaana hadda wafdiga madaxweynaha ay kulamo la qaadanayaan saraakiisha ciidamada iyo qeybaha bulshada degmadaas.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!