Madaxweyne Xassan Sheekh oo goor dhaw gaaray magaalada Baydhabo

by admin | Tuesday, Oct 28, 2014

Baydhabo : HN :– Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xassan Sheekh Max’uud oo goor dhaw oo maanta ah ka dhoofay magaalada Muqdisho ayaa gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, halkaa oo ay horay ugu sii sugnaayeen xubno ka tirsan dowladda oo uu ka mid yahay guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya.

Pro Jawaari iyo xubnaha kale ee horay u joogay Baydhabo, odayaasha dhaqanka iyo qeybaha bulshada ayaa madaxweynaha ku sooXasan Garb dhaweeyay garoonka diyaaradaha magaalada Baydhabo.

Ujeedada safarka madaxweynaha ee magaalada Baydhabo ayaa lagu fasiray furitaanka dhismaha shirka maamulka saddexda gobolka oo si rasmi ah maanta halkaa ka bilaabanaya.

Safarka madaxweynaha ayaa imnaya xili uu jiro khilaaf xoog leh oo soo kala dhax-gallay  isaga iyo ra’iisal wasaare C/wali kaa oo salka ku haya isku shaandheyn uu sameeyay ra’iisal wasaaraha.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!