Madaxweyne Xassan Sheekh oo hambalyo u dirray madaxweynaha cusub ee Nigeria

by admin | Wednesday, Apr 1, 2015

Muqdisho : HN :– Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xassan Sheekh Max’uud ayaa hambalyo u dirray madaxweynaha la doortay ee dalka Nigeria ninka lagu magacaabo Jen Muhama’ud Buhari.

Madaxweynaha Soomaaliya oo khadka telefoonka kula hadlay Madaxweynaha la doortay ayaa ugu hambalyeeyay guusha uu ka soo hooyay doorashada.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan ayaa u hambalyeeyay shacabka Nigeria oo uu sheegay in ay Soomaaliya wadaagaan waxyaabo badan.Xasan_Sheekh_Golaha_Wasiirrada_Somalia isagoo u rajeeyay in Soomaaliya iyo Nigeria ay yeeshaan iskaashi u dan ah labada dal.

Ugu dambeyn, Xasan Sheekh wuxuu ka mid noqday hoggaamiyayaasha ugu horreeyay ee u hambalyeeyay Madaxweynaha la doortay ee dalka Nigeria, Jen. Maxammedu Buhari oo ku guuleystay doorashadii madaxnimo ee Nigeria.

Jen. Buhari oo 72-jir ah ayaa waxay noqonaysaa markii labaad oo uu dalka Nigeri xukunka madaxdnimo u qabto, isgaoo horay dalkaas ugu qabsaday afgambi milateri, isagoo dhowr sanno xukumayay dalkaas.

Hiiraan Net.

 

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!