Madaxweyne Xassan Sheekh oo ka baaqday safar uu ku tagi lahaa Dhuusa-mareeb

by admin | Wednesday, Apr 1, 2015

Muqdisho : HN :– Warar laga hellayo xarunta madaxtooyada Villa Soomaaliya ayaa sheegaya in madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xassan Sheekh Max’uud dib u dhigay dafar la fillayay in uu ku tago degmada Dhuusa-mareeb ee gobolka Galguduud.

Wararku waxaa ay sheegayaan in maanta degmadaas ay ka dhaceen dibadbaxyo rabashado wata oo ay dhigayeen dadweynahaXasan-Sheekh magaalada, kuwaa oo diidanaa shirka maamul u sameynta gobollada dhexe lagu qabto degmada Cadaado ee gobolka Galguduud.

Ilo-xog-ogaal ah ayaa sheegaya dib u dhaca ku yimid safarka madaxweynaha lala xiriirinayo muranka baaxda leh ee wali ka taag halka rasmi ahaa laga dhigayo gogosha dhismaha maamulka gobollada dhexe.

Odayaal iyo waxgarad ka ku sugan Dhuusa-mareeb ayaa ku war-galiyay madaxweyne Xassan Sheekh in uu dib u dhigo safarkiisa ilaa iyo ka turxaan bixinayaan khilaafka jira oo ay wadda hadallo ka leeyihiin.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!