Madaxweyne Xassan Sheekh oo ka fikiraya ra’iisal wasaaraha xiga Cabdiwali Sheekh Axmed

by admin | Monday, Dec 8, 2014

Muqdisho : HN :– Sabtigii aynu  soo dhaafnay ayeey xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya waxaa ay kalsoonida kala nodeen ra’iisal wasaare Cabdiwali Sheekh Axmed Max’ed iyo xukuumadii uu hogaaminayay, waxaana la faray madaxweynaha in uu si dhaqse ah u soo magacaabo ra’iisal wasaare cusub.

Hadaba madaxweynaha dowladda Soomaaliya ayaa durbaba bilaabay wadda tashiyo la xiriira ra’iisal wasaaraha saddexaad iyo qofka uu noqonayo, iyadoo laga fogaanayo khilaaf danbe oo dib u soo laabta, waxaana ay dad badani rumeysan yihiin madaxweyne Xassan Sheekh uu maskaxda ku hayo in uu soo xulo ra’iisal wasaare ku aragti siyaasadeed ah.

Madaxweynaha ayaa kulamo gargaar saacadihii aynu soo dhaafnay la lahaa mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya iyo shaqsiyaadkaxasan siyaasad ahaan ay isku dhaw yihiin isaga oo ka xog wareysanaya shaqsiga xigga ee noqon kara ra’iisal wasaare badalla Cabdiwali Sheekh Axmed Max’ed.

Ila iyo hadda ma jirto cid si gaar ah carabka loogu dhuftay, hasse ahaatee waxaa jira warar hoose leysla dhaxmarayo gudaha xarunta madxtooyada oo sheegaya in madaxweynaha iyo kooxdiisa ay isku siyaasada yihiin in ay ra’iisal wasaare u magacaabi doonaan shaqsi ka tirsanaa xubnihii gollaha wasiirrada xukuumadii kalsoonida lagala noqday, kaa oo loo badinayo in uu yahay wasiirrka maaliyada Xusseen Cabdi Xalane, laakiin mar walba arrimuhu uma dhaci karaan sidda loo saadaalinayo.

Dadka siyaasada odorosa ayaa sheegaya in ra’iisal wasaare kasta oo la keeno ugu danbeyntii ay iska horimanayaan madaxweynaha, waxaana taa sababteeda loo saarinayaa dastuurka oo aan si cad u kala qeexin awoodaha ay kala leeyihiin labada mas’uul.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!