Madaxweyne Xassan Sheekh oo ka hadlay arrimaha doorashooyinka aqalka hoose

by wadani | Thursday, Nov 10, 2016

Muqdisho : HN :-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ka hadlay Doorashooyinka Aqalka Hoose ee ka billowday Magaalada Cadaado ee Maamulka Galmudug iyo doorashooyinkii Hir-shabeelle iyo kuwa kale ee socda.

Xasan sheikh, ayaa marka hore ugu Hambalyeeyey Madaxda, Xidhibaannada iyo Shacabka Dowlad-gobolleedka Hir-shabeelle sida dimuqraadiyada leh ee Baarlamaanka maamulkaas u soo doortay Xildhibaanada Aqalka Sare ee meteli doona.

“Waxaan doonayaa inaan u hambalyeeyo Madaxweynaha, ku xigeenka, gudoonka sare ee Baarlamaanka, Xildhibanaada iyo dhammaan Shacabka Dowlad-gobolleedka Hir-shabeelle oo ku Guuleysatay inay soo doortaan Aqalka Sare Shalay. Waa tallaabo Dhiirri-gelin leh in Maamulka Hir-Shabeelle oo Dhawaan la dhisay uu Doortay Xildhibannadii Aqalka Sare ku Meteli lahaa,” ayuu yiri Madaxweynaha.

Dhanka kale Madaxweyne Xasan Shiikh ayaa bogaadiyay maamulka Galmudug oo maanta billaabay doorashada xildhibaannada Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Federaalka Somalia.

“Waxaan kaloo Hambalyo u dirayaa Maamul-goboleedka Galmudug oo Maanta billaabay Doorashada Xildhibaannada Aqalka Hoose ee Baarlmaanka Federaalka,Waxaana leeyahay tallaabo muhiim ah ayaad u qaadeen dhanka horumarka dalka,” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Madaxweynaha ayaa u mahadceliyey guddiga Doorashooyinka ee maamul-goboleedyada dalka iyo guddiga ederaalka oo in muddo ah waday qorshaha Hannaanka Doorashooyinka sannadkan 2016-ka oo maanta ku guuleystay in Doorashooyinka Xildhibaannada Aqalka Hoose ay ka billowdaan Goobihii lagu ballamay.

Sidoo kale, Xasan Sheekh ayaa ka mahad-celiyay Hanaanka ay u socdaan Doorashooyinka Aqalka Hoose ee maamulada Puntland, Jubbaland iyo weliba Koonfur Galbeed oo horray u billowbay doorashooyinka Aqalka Hoose.

Ugu dambeyn, Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh ayaa ugu hambalyeeyey dhammaan ummadda Soomaaliyeed sida hab-samida ah ee ay doorashooyinka Xubnaha Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ay uga socdaan Guud ahaan Dalka, isla markaana u rajeeyay inta ka harsan Doorashooyinkan in si guul ah ALLE ugu soo dhammeeyo.

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!