Madaxweyne Xassan Sheekh oo ka hadlay cabashada ka jirta doorashada aqalka hoose

by wadani | Sunday, Nov 27, 2016

Muqdisho  : HN :- Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo shalay ka hadlay Munaasabad ka dhacday magaalada Muqdisho ayaa fariin adag u diray Madaxda Maamul goboleedyada dalka ka jira.

Waxa uu sheegay Madaxweynaha in Muhiim tahay in Madaxda maamul goboleedyada dalka in ay dhaqan galiyaan heshiisyadii horey loo gaaray, waxa uuna sheegay in aysan aqbali karin in la hareer maro heshiisyadii lawada gaaray.

Madaxweynaha ayaa sheegay in ay dhinac taagan yihiin guddiyada doorashooyinka iyo Khilaafaadka, waxa uuna intaa raaciyay in ay taageeri doonaan go’aanada ay guddiyadaasi ka gaaraan doorashada xubnaha aqalka hoose.

” Waxaan xasuusinayaa Masuuliyiinta iyo Madaxda maamul goboleedyada dalka ka jira ee jooga goobaha doorashooyinka ka socdaan in aysan hareer marin heshiisyadii horey loo wada gaaray, yaan la dhinac marin waxii lagu heshiiyay oo hala dhaqan galiyo ayaan leeyahay” Ayuu yiri Madaxweynaha.

Xasan Sheekh ayaa sheegay in ay jiraan qaladaad ka dhacay magaalooyinka doorashooyinka ka socdaann, waxa uuna ku baaqay in si deg deg ah loo xaliyo khaladaadka jira, waxa uuna ku booriyay Maamulada in la ilalaiyo Qoondada haweenka.

Ugu danbeyntii, hadalka madaweynaha ayaa imaanaya xili ay jiraan cabashooyin badan oo ku aadan sida ay u socdaan doorashooyinka Aqalka hoose, waxaa sidoo kale jira beelo diiday in soo buuxiyaan qoondada haweenka ku leeyihiin Baarlamaanka cuub.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!