Madaxweyne Xassan Sheekh oo ka hadlay dagaalka magaalada Beledweyne

by wadani | Monday, Dec 14, 2015

Beledweyne :  HN :–Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Taliyaha Guud ee Ciidammada Qalabka Sida, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si kulul u cambaareeyay dagaal beeleedka ka socda magaalada Beled Weyne ee gobolka Hiiraan, oo uu ku tilmaamey mid dad shacab ah lagu waxyeeleynayo.

“Dhowr jeer oo hore ayaan u sheegay inaan marnaba la aqbali karin in shacabka dib loogu celiyo dagaal sokeeye ooHassan_Sheikh_Somalia_President micno la’aan dhiig loo daadiyo. Waa in degdeg dagaalka loo joojiyaa, qolyaha ku lug lehna ay xisaabta ku darsadaan in lala xisaabtamayo. Cid walba oo dhiigga shacabka daadisa sharciga ayaa la hor keenayaa, mana jiro ruux sharciga ka sarreeya oo la iska eegan doono isagoo dagaal sokeeye hurinaya’’.

Madaxweynaha ayaa farey ciidammada dowladda iyo maamulka gobolka Hiiraan oo kaashanaya qeybaha kala duwan ee bulshada inay degdeg colaaddaasi u joojiyaan, khilaaf kasta oo jirana wadahadal lagu dhammeeyo.

Waxaa uu ugu dambeyn Madaxweynaha shacabka gobolka Hiiraan ugu baaqey inay nabadda ka shaqeeyaan, degaannadoodana u diyaariyaan dhismaha maamulka cusub ee gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, si loo dedejiyo barnaamijka baahinta xukunka iyo adeegyada aasaasiga ee bulshada.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!