Madaxweyne Xassan Sheekh oo ka hadlay safarkiisii magaalada Beledweyne

by wadani | Wednesday, Dec 23, 2015

Muqdisho : HN :–Madaxweynaha dowladda Soomaaliya iyo wafdigii uu horkacayay oo maalmihii ugu danbeeyay ku sunaa magaalada Beledweyne, ayaa maanta dib ugu laabtay magaalada Muqdisho.

” Allaah ayaa mahad leh oo si guul ah ayuu inoogu soo dhamaaday safarkii aan ku tagnay magaalada Beledweyne, kulamo ayaan la yeelanay odayaasha dhaqanka, kulamadaas oo ujeedadoodu aheyd la-tashiyo iyo in aan u sharaxnoxasan_sheekh1 dhisamaha maamulka Hiiraan iyo Sh/dhexe oo qorshuhu yahay in todobaadka soo socda ka furmo magaaladda Jowhar iyo inaan sii xoojino heshiiskii la dhax-dhigay beelahii walaha ahaa ee khilaafka ku dhaxmaray Beledweyn si aysan mar dambe colaad u soo noqon” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale uga mahad-celiyey odayaasha dhaqanka gacantii ay dowladda federaalka ah ku siiyeen in xal laga gaaro khilaafkii dadka walaaha ah ku dhaxmartay Beledweyn.

Wafdiga Madaxweynaha ayaa markii ay soo gaareen garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde waxaa halkaasi si diiran ugu soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!