Madaxweyne Xassan Sheekh oo ka hadllay taageerada duqeynta Yaman

by admin | Monday, Apr 6, 2015

Muqdisho : HN :–Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xassan Sheekh Max’uud ayaa ka hadlay mowqifka dowladdiisa ay ku taageereen duqeymaha ka dhanka ah mucaaradka Xuuthiyiinta ee dalka Yemen ee ay wadaan dalalka uu hoggaamainayo Saudi Arabia.

Madaxweynaha ayaa sheegay in dowladda Samalia ay wado qorshe ah sidii qoxootiga Soomaaliyeed ee ku nool Yemen ay dib ugu soo celin laheyd dalka si ay u noloshooda u badbaadiyaan.

“Illaa iyo hadda tiro sax ah oo ku saabsan qoxootiga Soomaaliyeed ee dalka dalka ku sugan ma bixin karno illaa aan dalka dib ugu sooMadaxweynaha celinno, dowladda gurmadkeeda wuu ku maqan yahay, dhawaanna waxaa dalka soo gaari doona dad Soomaaliyeed oo Yemen laga soo celiyay,” ayuu Xasan Sheekh ku gaabsaday.

Su’aal la weydiiyay oo ahayd sababta ay ay ku taageereen duqeymaha dalka Yemen ayuu ku jawaabay inay diiddan yihiin si khasab ah lagu rido dowladda sharciga ah ee dalkaas ka jira.

“Annagu waxaan mowqif ku qaadannay labo arrimood, dowladda sharciga ee Yemen ka jirta inaan diidannahay in si khasab ah lagu bedelo, tan kale waa in dadka xagjirka ah oo dhan noocay doonaan ha ahaadaanne laga hortago. Yemen waligeen isku siyaasad ayaanu ahayn la-dagaalanka Al-Qaacida iyo kooxaha xagjirka ah,” ayuu yiri Madaxweynuhu.

Madaxweynaha ayaa mar kale la weydiiyay su’aal kale oo ahayd inay kaga timaaddo dhibaato taageeraadaas dadka Soomaaliyeed ee Yemen ku nool ayuu ku jawaabay in xataa haddii ay ka aamusaan aysan ku nabad-galeyn, isagoo hoosta ka xariiqay ain dowladdiisu ay ka qaadatay siyaasad cad oo lagu bad-baadinayo Qoxootiga Soomaaliyeed ee Yemen ku sugan.

Ugu dambeyn, Xasan Sheekh ayaa sheegay inay qaadan doonaan door la mid ah kii ay Somali badan kaga soo saareen Koofurta Sudan oo ay dagaalo ka qarxeen dhamaadkii sanadkii 2013-kii.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!