Madaxweyne Xassan Sheekh oo ka hadllay waxqabadka dowladiisa

by admin | Thursday, Jan 15, 2015

Muqdisho : HN :–Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xassan Sheekh Max’uud ayaa si kooban uga hadlay wax-qabadka dowladda uu hoggaamiyo.

Madaxweynaha ayaa sheegay in uusan hogaamiye ka yahay dowlad curdun ah isagoona inta raaciyay in arrimo badan ay dowladiisa ku soo siyaadisay dalka,muddada ay shaqeynaysay.

“Labadii sanno ee la soo dhaafey waxaa socotey shaqooyin badan oo ”daahsoon” oo la doonayey in lagu soo dhiso dowlad640x427x123.jpg.pagespeed.ic.A9x2PR6zSs shaqeysa; haatanna dowladda waxaa looga fadhiyaa inay wax ka beddesho nolosha shacabka Soomaaliyeed ee dhan ee dalka ku nool, sida fidinta adeegyada waxtarka u leh nolosha. Waxaan si aad ah ugu wada riyaaqsanahay in horumarkaasi uu ahaa mid dhanka wanaagsan loo qaadey, isla markaana waddanka ka dhigey qaran curdan ah oo leh dowlad shaqeyneysa, halkii hore na loogu tirin jirey inaany nahay qaran dhicisoobay.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale ka hadley muhimadda in degdeg loo wajaho waxyaabaha muhiimka ee qaranka horyaalla.

“Waa inaanu si degdeg ah u sameynaa sharciyada muhiimka ah, sida dhismaha guddiyada loo baahan yahay, lana xaqiijiyaa sameynta wadatashi shacabka laga qeybgeliyo, kaas oo horseedi doona gaarista saddex umuurood oo sal u ah Higsiga 2016: dib u eegista Dastuurka, dhismaha maamulada gobollada iyo diyaarinta doorashooyin qaran oo waddanka ka dhaca”.

Madaxweynuhu waxuu sheegay inay wali dadaal ku bixinayaan tallaaboyin lugu xoojinayo xasiloonida dalka,waxuuna inta ku daay inay mar walba u taagan-yihiin Soomaaliya amni buuxda ku naaloota.

“Waa inaan xoojinaa muhimadda ay inoo leedahay inaan qaadno talaabooyin looga gol leeyahay in ay saameyn waxtar leh ku yeeshaan nolosha Soomaalida. Waxaan taasi ula jeedaa in na looga fadhiyo inaan qaadno talaabooyin muuqda oo dhanka xasilinta waddanka ah kuwaas oo isku xiraya shacabka iyo dowladda, in ugu dambeyntii laga guuleysto Al Shabaab, la dagaalanka musuqmaasuqa, sameynta hannaan dowladda ay ku hesho dakhli loo isticmaalo dhismaha dugsiyo ay carruurteena wax ku bartaan, in dhalinyarada loo sameeyo shaqo abuur iyo daryeel caafimaad oo qoysaskeena ay wada helaan. Waxaa kale oo waajib inaga saaran yahay inaan la soo baxno kheyraadka waddankeena si aan uga wada faaideysano, lagana shaqeeyo sameynta xaalad wanaagsan oo lagu horumarinayo adeegyada gaarka loo leeyahay.

Waxuu sheegay Xasan Sheekh dowladiisa iyo xukuumadda cusub ee ra’iisul wasaare Sharmaarke inay horyaallan arrimo badan oo u bahan wax ka qabasho.

“Dowladda cusub waxaa horyaalla liis ay ku taxan yihiin waxyaabo badan oo muhiim ah, kuwaas oo u baahan go’aan qaadasho adag iyo is xilqaan si wax waliba sidii loogu talagaley ay u fulaan. Waxaan ugu dambeyntii filayaa in baarlamanka uu degdeg u ansixiyo xubnahan cusub ee Golaha Wasiirrada, isla mar ahaantaana ay xubnahan cusub degdeg ugu guda galaan hawlaha horyaalla.

Ugu dambeyn,madaxweynaha ayaa hadalkan ku soo daaray qoraal uu ku soo dhaweeyay wasiirrada cusub ee u maalmo ka hor magacaabay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!