Madaxweyne Xassan Sheekh oo ka hadllay xad-gudubyada lagu eedeeyay AMISOM

by admin | Saturday, Sep 27, 2014

New York : HN :–Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xassan Sheekh ayaa markii ugu horeysay ka hadllay xadgudbyada kufsiga ee lagu eedeeyay ciidammada AMISOM iyo muranka badda ee dowladda Soomaaliya kala dhaxeeya Kenya.

“Markii ay arrintaas soo baxday dowladda dadaal ayay gashay, waxayna qoraal u dirtay Midowga Africa, kaasoo ay ku weydiisatay inay sharraxaad kasoo bixiyaan arrintan, isla markaasna dowladdu waxay magacowday guddi si gaar ah ugu soo sameeyaan arrintan, Midowga Afrika iyagana waxaan ka sugaynaa inay sharraxaad naga soo siiyaan.”

Madaxweynaha oo siddoo kale wax laga weydiiyay muranka badda ee Soomaaliya iyo Kenya u dhexeeya iyo inay jiraan shirar ay la leeyihiin xubno dowladda Kenya ka socda si arrinta si hoose loogu dhameeyo, ayuu kaga jawaabay.

“Arrintan muddo ayay soo taagnayd, intaan inagu imanna way taagnayd, muddo lix bilood ah ayay labada dal xubno ka socda kaMadaxweyne-Xassan-Sheekh (1) hadlayeen arrintan. Markii dambena waxaan aragnay inay aad u yar tahay inuu miro-dhalo wada-xaajoodka, farqiga noo dhexeeyana uu aad u ballaran yahay, marka waxa keliya ee la sameyn karay oo xalka lagu raadin karno waxay nala noqotay inaan dacwad u gudbinno maxkamadda cadaaladda ee caalamiga ah oo aan labadeennuba ka tirsan-nahay. Balse arrintu ma ahan wax colaad ah, weliba dhankeenna way ka furan tahay in xalka la raadiyo, Somalia xuquuqdeedii ayay daba-joogtaa ma ahane inay Kenya iyo cid kale wax u dhibto ma doonayno.”

Ugu  dambeyn, madaxweyne Xasan oo ka hadlayay Qaramada Midoobay habeennimadii xalay ayaa sheegay in Al-shabaab la wiiqay balse aysan weli dhiman, dowladduna ay sii wadi doonto dagaalka inta ay ka cirib-tirayso kooxdan.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!