Madaxweyne Xassan Sheekh oo ka jawaabay hadal ka soo yeeray xildhibaanno Kenyaan ah

by admin | Monday, Apr 6, 2015

Muqdisho : HN :–Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xassan Sheekh Max’uud ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay hadal ka soo yeeray qaar ka mid ah hoggaamiyayaasha bulshada ee Waqooyi-Bari Kenya oo ay ku sheegeen in xeryahah qaxootiga lagu xiriirinayo qul-qulatooyinka Kenya, isagoo sheegay in aysan jirin wax xiriir ah oo ka dhaxeeya xeryaha qaxootiga iyo argagixisida.

Mas’uuliyiinta gobolka W/bari oo uu horkacayo hoggaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka Kenya, Aadan Barre Ducaale ayaa sheegayMadaxweyne-Dawlada-Federaalka-Soomaaliya2 in xeryaha qaxootiga ay gabaad u noqdeen kooxaha argagixisada, iyagoo ka dalbaday dowladda Kenya in qaxootiga dib loogu celiyo dalkooda.

Madaxweyne Xassan ayaa sheegay ajandaha Al-Shabaab u yahay inay kala qeybiyaan muslimiinta iyo masiixiyiinta, taasina ay tahay wax aan la aqbali karin.

Madaxweynaha Somalia ayaa sheegay in dowladdiisa lala socodsiiyay isagoo in nin ka mid ah dableyda uu dhalay sarkaal Kenya ka tirsan isla markaana ay baadhis arrintaasi imika ku socoto.

Madaxweynaha oo warbaahinta ayaa xusay in aysan jirin wax xiriir ah oo ka dhaxeeya dadka qaxootiga ah ee ku nool xeryaha iyo argagixisida.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!