Madaxweyne Xassan Sheekh oo ka qeyb-gallay kulan looga hadllayay ammniga

by admin | Friday, Dec 19, 2014

Madaxweyne-Xasan-Sheekh-NEWS3Muqdisho : HN :–Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xassan Sheekh Max’uud ayaa xalay ka qayb-galay kulan looga hadlay amniga dalka oo ka dhacay magaalada Muqdisho ee xarunta Soomaaliya.

Kulanka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa taliyeyaasha ciidamada dowladda iyo saraakiil ka tirsan ciidanka AMISOM, iyadoo looga hadlay sidii loo sii dar-dar-gelin lahaa howlgallada lagula dagaallamayo Al-shabaab.

Kulanka ayaa lagu sagootiyay taliyihii ciidamada AMISOM ee sanadkii tegay xilka hayay, kaasoo lagu amaanay waxqabad wanaagsan muddadii uu Somalia ka shaqey-nayay.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa amaan iyo bogaadin u soo jeediyay saraakiisha iyo kala duwan ee ciidamada amaanka oo uu sheegay inay burburiyeen shabakado Al-shabaab ah oo si qarsoodi ah uga howlgalayay Muqdisho.

“Ciidamada amniga dalkeenna waxay mudan yihiin ammaan, waayo waxay ku guuleysteen inay burburiyaan shabakado Al-shabaab ka tirsan oo qaabab qarsoodi ah uga howlgalayay Muqdisho,” ayuu yiri madaxweyne Xasan.

Dhanka kale, madaxweynaha ayaa ku boorriyay saraakiisha ciidamada ammaanka inay sii xoojiyaan howlgallada lagu xaqiijinayo amniga caasimadda Somalia oo uu sheegay inay tahay mid ay muhiimad gaar ah siinayso dowladdiisa.

Ugu dambeyn, Xasan Sheekh ayaa sheegay in haddii aan amniga la xoojin aysan jiri karin wax la qaban karo, sidaa awgeedna ay dowladdiisu muhiimad gaar ah siisay ammaanka, isagoo sheegay in lixda tiir ee ay howsha ku billaabeen ay kaalinta koowaad kag jirto sugidda amniga dalka oo dhan.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!