Madaxweyne Xassan Sheekh oo ka qeyb-gallay munaasabad lagu taageerayay ra’iisal wasaara cusub

by admin | Sunday, Dec 28, 2014

Muqdisho : HN :– Madaxweynaah dowladda Soomaaliya Xassan Sheekh Max’uud ayaa xalay ugu qeyb-gallay xarunta gobolka Banaadir munaasabad ballaaran oo lagu taageerayay ra’iisal wasaaraha cusub Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke oo dhawaan la wareegay xafiiska.

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) oo munaasabada ka hadlay ayaa sheegay in Gobolka Banaadir ay soo dhoweynayaan Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid, isla markaana ay u arkaan inuu yahay shaqsi ka bixi kara howlaha adag ee hor-yaala.

Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid oo munaasabada ka hadlay ayaa balan qaaday inuu dib u soo celin doonoxaflad-5 ammaanka iyo bilicda ay laheyd caasimada Muqdisho, waxaana uu bogaadiyay howsha uu qabtay Maamulka Gobolka ee dhinaca bilicda caasimada.

“Waxaan balan qaadayaa inta an xilka hayo inaan ku dadaalo sidii loo soo celin lahaa amaanka iyo bilicdii magaaladan, anigoo maamulka magaalada kala shaqeyn doona sidii magaaladan loogu soo celin lahaa ajaanibtii iyo Soomaalidii ka tagtay oo idil”ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid.

Ugu dambeyn Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo munaasabada soo xiray ayaa kula dardaarmay bulshada inay la shaqeeyaan Ra’iisul Wasaaraha, isagoo ugu baaqay ummadda Soomaaliyeed inay muujiyaan dulqaad badan, isagoo u mahadceliyay baarlamanka.

 Hiiraan Net.

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!