Madaxweyne Xassan Sheekh oo ka tacsiyeeyay geeradii xildhibaan Gurxan

by admin | Sunday, Nov 8, 2015

Muqdisho : HN :–Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka tacsiyeeyey geeridii Xildhibaan Marxuum Maxamed Axmed Gurxan oo ka mid ahaa Mudanayaasha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo fiidnimadii xalay u geeriyooda dhaawac culus oo ka soo gaaray weerar subaxnimadii hore ee shalay ku qaadeen kooxo hubeysan.

War saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada ayaa waxaa Madaxweynuhu tacsi ugu diray qoyska iyo qaraabada marxuumka iyo sidoo Hassan-Sheikh-Mohamudkale Baarlamaanka Federaalka iyo dhammaan umadda Soomaaliyeed isaga oo EBBE uga baryey marxuumka inuu Jannadii Fardowsa ka waraabiyo.

” Inaa Lilaahi wa inaa Ilaahi raajicuun, EEBE Jannadii Fardowsa haka waraabiyo Marxuum Maxamed Axmed Gurxan ,sabar iyo iimaan Allaah haka siiyo ehaladiisa, qaraabadiisa iyo dhammaan Umadda Soomaaliyeed . Waa geesi shahiiday oo naftiisa u huray u shaqeynta iyo badbaadinta ummadda iyo qarannimadda Soomaaliyeed, ” ayuu yiri Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Ugu dambeyntii, Madaxweynaha ayaa ku amray hey’adaha ammaanka inay gacanta ku soo dhigaan kooxihii ka dambeeyay dilka Xildhibaanka ee baxsaday markii ay weerarka fuliyeen.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!