Madaxweyne Xassan Sheekh oo ka tacsiyeeyay geeridii Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif

by wadani | Sunday, Jan 3, 2016

Muqdisho : HN :–Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi u diray qoyskii, eheladii iyo shacabka Soomaaliyeed ee uu ka baxay Allaha u naxariistee Marxuum Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble oo maanta ku geeriyooday magaalada Beledweyn ee xarunta gobolka Hiiraan.

War saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha ayaa lagu sheegay in Ugaasku door muhiim ah ka qaatay nabadeynta iyo dib u heshiisiinta.Xasan-Sheekh

“Innaa Lillaahi wa inaa Ileyhi Raajicuun. Allah u naxariisto marxuumka. Waxaa lagu xusuusan doonaan hawlihii muhiimka ahaa ee uu u hayey bulshada sida nabadeynta iyo dib u heshiisiinta oo uu wadey ilaa ay geerida uga timaaddo. Waxaan Ilaahay uga baryaya naxariistii inuu Jannatul Fardowsa ka waraabiyo, qoyskii , eheladii iyo shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyoodayna uu samir iyo iimaan ka siiyo’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweynaha ayaa sheegay Marxuum Ugaas Cabdiraxmaan uu ahaa shakhsi dadaal badan ku bixiyey inuu bulshada iyo qaranka Soomaaliyeed u adeego.

Allaha u naxariistii Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif ayaa xanuun dhinaca wadnaha u geeriyooday, kadib markii uu ka qeyb qaadanayay kulan u socday beesha Xawaadle, waxaana lagu lagu wadaa in maalinta berri lagu aaso magaalada Beledweyn.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!