Madaxweyne Xassan Sheekh oo kala hadllay dhigiisa dalka India xiriirka labada dal

by admin | Thursday, Oct 29, 2015

India : HN :–Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xassan Sheekh Max’uud oo ku sugan dalka Hindiya ayaa la kulmay madaxweynaha wadankaasi, iyagoo ka wada hadlay labada madaxweyne arrimo kale duwan oo la xiriira xiriirka labada wadan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa kala hadlay dhigiisa dalka Hindiya xoojinta Xiriirka Soomaaliya iyo Hindiya iyo sidii la isaga kaashan lahaa arrimo ay ka mid yihiin ganacsiga iyo horumarinta kheyraadka dalkeena Hooyo.

IB0A69181-620x264Madaxweynaha iyo Wafdigiisa ayaa inta ay ku sugan yihiin dalkaasi Hindiya waxa ay kulamo gaar gaar ah ay la qaadan doonaan madax ka tirsan Caalamka oo shirkaasi ka qeyb galaya islamarkaana ka wada hadli doonaan arrimo kale duwan saldhig u ah horumarint Soomaaliya.

Shirka Afrika iyo Hindiya waxaa horey loogu qabtay magaalooyinka Addis Ababa iyo New Dalhi, waxaana sannadkani ka qeybgalaya dhamaan 54 wadan ee Afrika ay ka koobantahay, waxaana la filayaa mudada uu socdo in lagu soo bandhigo fursadaha Afrika yaalla iyosida Hindiya dowlad iyo shacab u maalgashan karaan.

Dalka Hindiya ayaa ka mid ah wadamada saaxibka dhow la ah qaarada Afrika waxaana waddamo badan oo Afrikan ah ka jooga shaqaale iyo maalqabeeno ganacsiyo ku leh Qaaradani.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!