Madaxweyne Xassan Sheekh oo kormeeray goobaha lagu qaadayo imtixaanka shahaadiga

by admin | Thursday, Jun 18, 2015

Muqdisho : HN :–Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xassan Sheekh Max’uud ayaa ku amaanay wasaarada waxbarashada hirgelinta imtixaanka mideysan ee shahaaddada dugsiga sare oo si habsami leh uga socda magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa kormeer uu ugu kuurgalayo habsami u socodka imtixaankaasi maanta ku tegey dugsiga Yaasiin Cusmaan oo ka mid ah goobaha imtixankaasi uu ka dhacayo.

“Waa bilow fiican, waxaana rajeynayaa in mustaqbalka ay wasaaradda ku guuleysato inay si habsami leh u maareyso imtixaanaadkaunnamed-41 heerka qaran oo dhan” ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweynaha ayaa intii uu kormeerka ku jirey waxaa uu warbixin ku saabsan qaabka uu imtixaanka u socdo ka dhegeystey Wasiirka Waxbarashada Khadra Bashiir Cali.

Waa markii ugu horeysay muddo 25 sano ah oo ay dowladdu qaado Imtixaanka mideysan ee Shahaadiga Dugsiga Sare, iyadoo sanadkan ay u fariisteen illaa 7-kun oo arday.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!