Madaxweyne Xassan Sheekh oo ku baaqay in la joojiyo dagaalka Gaalkacyo

by wadani | Friday, Oct 7, 2016

Muqdisho : HN :–Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in wax laga xumaado ay tahay in markale sii micno darro ah loo daadiyo dhiiga shacabka magaalada Gaalkacyo, halkaas oo laba kooxood oo iska soo horjeeda ay ku dagaalamayaan.

“Waxaan ku baaqayaa in deg deg loo joojiyo dagaalka ka socda Gaalkacyo, wixii khilaafaad ee jirana wadahadal lagu dhammeeyo. Somaliya uma baahna colaad kale iyo dhiig micno la’aan loo daadiyo.” ayuu yiri Madaxweynaha Somaliya.

Madaxweynaha, ayaa xusay in Soomaaliya ay ku jirto xaalad dib u heshiisiin iyo adkeynta dowladnimadeeda, gaar ahaan doorashooyinka dhowaan dhacaya, loona baahan yahay in laga fogaado wixii hannaankaasi carqaladeynaya.

“Somaliya waxay mareysaa marxalad xasaasi ah oo biseylka dowladnimadeena lagu qiimeynayo, waana nasiib darro in iyadoo la wadahali karo qori caaraddiisa xal lagu raadiyo. Ma aqbali karno in shacabka loo horseedo colaado hor leh oo qaranimadeena burburin kara.” Ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo hadalkan ku sheegay War Saxaafadeed uu caawa soo saaray.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa baaqay Maamulada Puntland iyo Galmudug inay deg deg gacan uga gaystaan joojinta colaadda jirta, isagoo mar kalena xusuusiyay shacabka Soomaaliyeed inuu dhammaaday waqtigii isla xisaabtan la’aanta, lalana xisaabtami doono cid kasta oo carqaladeyneysa amniga dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!