Madaxweyne Xassan Sheekh oo ku sii jeeda magaalada Cadaado ee gobolka Galguduud

by admin | Tuesday, Apr 14, 2015

Cadaado : HN :–Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xassan Sheekh Max’uud iyo wafdi ballaaran oo uu horkacayo ayaa lagu waddaa in saacadaha soo socda gaaraan magaalada Cadaado ee gobolka Galguduud.

Warar soo baxaya ayaa safarka madaxweynaha uu noqon doono kii ugu horeeyay oo uu ku tago magaalada Cadaado ee gobolka Galguduud, wuxuuna kulammo la qaadan doonaa madaxda Ximan iyo Xeeb iyo waxgaradka, waxaana la filayaa in madaxweynuhu uu ka sheego degmadaas maalinta uu shirku furmi doono.

Maamulka Ximan & Xeeb ayaa wali kasoo horjeeda go’aankii Xasan Sheekh uu ku gaaray in Dhuuso-mareeb ay noqoto caasimaddaMadaxweyne_Xasan_Sheekh_Maxamuud_HOL maamulka gobollada dhexe ee Somalia, waxaana la filayaa in arrimahaas xal laga gaaro oo ay kawada hadlaan madaxweynaha iyo maamulka Cadaado.

Sidoo kale, madaxweynaha Somalia ayaa inta uu joogo Cadaado wuxuu ku sameyn doonaa kormeer madasha shirka lagu qabanayo iyo halka ergada ka qaybgalay shirka dhismaha maamulka Mudug iyo Galguduud la dejin doono.

Diyaar-garow ballaaran iyo qaban-qaabo lagu soo dhaweynayo madaxweyne Xasan iyo wafdiga uu hoggaaminayo ayaa ka socota magaalada Cadaado oo uu ku sugan yahay wasiirka arrimaha gudaha Somalia, iyadoo maalmihii u dambeeyay si weyn loogu diyaar-garoobaya qabashada shirka.

Amniga Cadaado ayaa si aad ah loo adkeeyay, iyadoo waddooyinka guud ee magaaladaas lagu arkayo ciidammo amniga adkeynaya, iyadoo ergooyin ka mid ah kuwa shirka ka qayb-galaya ay ku sugan yihiin degmadaas.

Si kastaba ha ahaatee, lama oga waxa kasoo bixi doona kulammada ay maanta Cadaado ku yeelan doonaan madaxweyne Xasan Sheekh iyo mas’uuliyiinta maamulka Ximan iyo Xeeb

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!