Madaxweyne Xassan Sheekh oo ku sii jeeda magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose

by admin | Thursday, Dec 18, 2014

Kismaayo : HN :– Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xassan Sheekh Max’uud iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa ku sii jeeda magaalad Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose, halkaasoo uu kulamo kula qaadan doono mas’uuliyiinta maamulka Jubba iyo saraakiisha ciidamada AMISOM.

Safarka Madaxweynaha oo aan horay loo sii qorsheyn ayaa la ogeyn ujeedkiisa, hase ahaatee waa markii saddexaad oo uu Madaxweynuhu tagi doono Kismaayo, iyadoo labo jeer oo hore uu booqasho ku tagay.

Wararka ayaa sheegaya in wadada ka baxda Madaxtooyada, siina marta ceel gaabta ilaa Dekeda ayaa xiran, halkaasoo ah wadada ay maraanMadaxweyne Dhoof mas’uuliyiinta dowladda, xilliga ay ka dhoofayaan ama ay ka soo degayaan garoonka diyaaradaha.

Ammaanka magaalada Kismaayo ayaa si aad ah loo adkeeyay, waxaana wadooyinka soo gala la dhigay ciidamo isugu jira AMISOM iyo kuwa dowladda, sidoo kale ciidamo gaar ah oo Madaxtooyada ka tirsan ayaa ka sii hormaray Madaxweynaha, si ay ammaankiisa u sugaan.

Maamulka KMG ah ee Jubba ayaa ka mid ah maamulada hoos-yimaada dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo dhowaan maamulkan uu qabtay shir dib u heshiisiin, inkastoo qeybo ka mid ah qabaa’ilka dega saddexda gobol ay ku tilmaameen shirkaas kuwo aan loo dhameyn.

Hiiraan Net.

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!