Madaxweyne Xassan Sheekh oo ku sii jeedda magaalada Beledweyne

by wadani | Monday, Dec 21, 2015

Beledweyne : HN :– Magaalada Beledweyne waxaa xiligan ka soconaya qaban-qaabada soo dhaweynta wafdi uu horkacayo madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xassan Sheekh Max’uud oo saacadaha soo socda lagu waddo in uu gaaro magaalada.

Sugida ammniga guud ahaan magaalada waxaa xiligan iska kaashanaya ciidammada maamulka gobolka Hiiraan,xasan-shekh kuwa midowgga Africa AMISOM iyo ciidammo gaar ah oo ka tirsan ilaalada madaxweyne Xassan Sheekh oo subaxnimadii hore ee saakay  gaaray magaalada.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa lagu waddaa in muddada ay joogaan magaalada kulamo kala duwan la qaadan doona odayaasha dhaqan, waxgaradka iyo siyaasiyiinta reer Hiiraan oo ay ka wadda-hadli doonaan arinta dhismaha maamulka labada gobol Hiiraan iyo Sh/dhexe.

Wareegto ka soo baxday maalintii shalay xafiiska madaxweynaha ayaa lagu sheegay in degmada Buula-burte tahay xarunta dowlad gobolleedka halka magaalada Jowhar -na lagu qabanayo shirka dhismaha maamulka labada gobol.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!