Madaxweyne Xassan Sheekh oo kulamo la yeeshay xildhibaannada iska soo horjeeda

by admin | Saturday, Nov 22, 2014

Muqdisho : HN :– Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xassan Sheekh Max’uud ayaa xalay ilaa maanta waxaa uu kulamo gaargar ah la lahaa xildhibaannada iska soo horjeeda, isaga oo kala hadllayay khilaafka baahsan ee cuuryaamiyay shaqadii hay’addaha dowladda ee ka dhax jira isaga iyo ra’iisal wasaaraha.

Wararku waxaa ay sheegayaan in madaxweynaha uu la kulmay labada garab ee Xildhibaanada iska soo horjeeda, kuwaasoo uu kala hadlay sidii loo dhameyn lahaa muranka u dhaxeeya, isla markaana loogu kala bixi karaa dastuurka.

Madaxweynaha ayaa ugu horeyn la kulmay Xildhibaanada mooshinka ka geeyay Xukuumada, kuwaasoo ay is dhaafsadeen arrimo kala duwan, waxaana qaar ka mid ah Xildhibaanadu la sheegay inay shaki ka qabaan daacad ahaanshaha Gudoonka Baarlamaanka.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa la kulmay xubno ka socday xildhibaanada ka soo horjeeda mooshinka, kuwaasoo fikir ahaan qaba inMadaxweyne-Xasan-Sheekh-NEWS3 mooshinka laga soo abaabulay madaxtooyada, waxaana uu madaxweynaha ka dalbaday in ay joojiyaan buuqa iyo fowdada, isla markaana la ixtiraamo shuruucda dalka.

Wararka qaar ayaa sheegaya in la isku afgaran waayay kulankan, iyadoo Xildhibaanada ay diideen codsiga Madaxweynaha ee ahaa inay is xakameeyaan, isla markaana ku adkeystay in mooshinka aanu meel mari doonin, maadaama aanu sharci ku imaan.

Madaxweynaha ayaa raadinaya xalka Baarlamaanka, si loo soo afjaro khilaafka siyaasadeed ee isaga iyo Ra’iisul Wasaaraha ka bilowday, waxaana la ogeyn halka ay arrimahan ku dambeyn doonaan, maadaama xaaladuhu ay yihiin kuwo aad u cakiran.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Jawaari ayaa shalay ka sheegay magaalada Muqdisho, ka hor inta aanu u dhoofin Jabuuti in kulanka Baarlamaanka uu dhici doono maalinta Isniinta, lana keeni doono Mooshinka, isagoo u digay xildhibaanada wali wada buuqa iyo fowdada.

Hiiraan Net.

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!