Madaxweyne Xassan Sheekh oo kulan la qaadanaya madaxweynaha Faransiiska

by admin | Wednesday, Oct 15, 2014

Paris : HN :– Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xassan Sheekh Max’uud ayaa maanta lagu wadaa inuu magaalada Paris kula kulmo madaxweynaha Faransiiska,Francois Hollande, kaddib markii uu martiqaad uu ka helay.

Arrimaha difaaca, ammaanka iyo horumarinta ayeey ka wada-hadlayaan labada dhinac, sida ay sheegeen ilo xog ogaal ah oo ka ag-dhow wefdiga madaxweynaha isla markaasna ay saxaafadu xigatay.

Madaxaweyanaha waxaa wafdigiisa ka mid ah, Wasiirka Arrimaha Dibadda Dr. Cabdiraxman Beyle, Wasiirka Difaaca Maxamed Shiikh Xaamud, la Taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Amniga, Cabdiraxman Shiikh Ciise iyo mas’uuliyiin kale.

Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Midowga Yurub, Dr. Cali Siciid Faqi ayaa ku tilmaamay in ay tahay markii ugu horreysay eeXassan Holland Madaxweyne Soomaaliyeed iyo Madaxweynaha Faransiisku ay si rasmi ah isu soo hor fariistaan tan iyo markii ay burburtay Dowladdii Soomaaliya 1991. Taasina waxay muujineysaa isu soo dhowaashaha Soomaaliya iyo Faransiiska iyo sida uu hadda caalamku ugu soo jeestay in uu iskaashi dhinacyo badan leh la sameeyo Soomaaliya.

Dhinaca kale,madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa ay shalay booqasho ku tageen safaaradda Soomaaliya ee magaalada Paris,waxaana Faransiiska uu ka mid yahay dalalka daneeya arrimaha Soomaaliya.

Hiiraan Net.

 

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!