Madaxweyne Xassan Sheekh oo la kulmay boqorka cusub ee dalka Sacuudiga

by admin | Saturday, Jan 24, 2015

Riyadh : HN :–Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud oo xalay gaaray magaalada Riyaad ee xarunta boqortooyada Saudi Arabia ayaa la kulmay boqorka cusub ee dalka Saudi Arabia, boqor Salmaan Bin C/casiis Aala-Sucuud.

Madaxweynaha ayaa waxaa safarkiisa Saudi Arabia ku wehliyay wasiirka xilka sii-haya ee wasaaradaha cadaaladda iyo kan gaashaandhigga, xildhibaanno iyo mas’uuliyiin kale.

Kulanka boqor Salmaan iyo Xasan Sheekh ayaa ahaa mid tacsi ah, isagoo kala hadlay xiriirka ka dhexeeya Soomaaliya iyo Sucuudigavlcsnap-2015-01-23-23h41m44s53-620x264 iyo sidii loo sii xoojin lahaa, geerida boqorkii hore kaddib.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in boqor Cabdalla uu ka dhintay dhammaan caalamka Islaamka, lana tebi doono doorkiisii suubbanaa ee uu ku lahaa arrimaha caalamka.

Boqorkii hore ee Sucuudiga ayaa aaskiisu shalay ka dhacay dalkaas, iyadoo ay ka qaybgaleen mas’uuliyiin kala duwan oo ka socday dalalka Islaamka iyo kuwa reer galbeedka.

Marxuum C/lla bin C/casiis ayaa ku dhintay 90-sano, iyadoo boqorka cusub ee xilka la wareegay oo ah wakaalkii ka yar ay da’diisu tahay 71-sano jir, wuxuuna isla shalay magacaabay dhaxal-suganaha boqortooyada Saudi Arabia.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!