Madaxweyne Xassan Sheekh oo la kulmay dhigiisa dalka Masar

by admin | Sunday, Mar 15, 2015

Masar : HN :–Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xassan Sheekh Max’uud ayaa maanta magaalada Sharm El Sheikh kula kulmay dhigiisa dalkan Abdifatah Al Sisi.

Madaxweyne Xassan  ayaa ugu hambalyeeyay dhigiisa Masar guusha uu ka gaaray shirka looga hadlayo dhaqaalaha Masar ee lagu yaboohay dhaqaalaha isugu jira maalgelinta iyo deeqdaba.

Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud ayaa tilmaamay in Soomaaliya ay wax badan ka faa’iideyso shirarka noocaan ah oo loo640x427xIB0A1959.jpg.pagespeed.ic.JvLR-xiFy6 baahanyahay in dalkeena loo qabto si maalgashi iyo yabooh dhaqaale loogu helo wadankeena oo leh dhinacyo badan oo maalgashi u baahan.

Xasan ayaa booqasho maalmo qaadatay ku tagay dalka Masar,waxuuna halka kula shiray madax kale duwan oo ka qaybshay shirka mustaqbalka ee dalka Masar.

Hiiraan Net.

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!