Madaxweyne Xassan Sheekh oo la kulmay dhigiisa dalka Tanzania

by admin | Monday, Jun 15, 2015

Xasan_Sheekh_Jakaya_Kikuweta_South_AfricaSouth Africa : HN :–Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh Max’uud ayaa xarunta uu ka socdo shir madaxeedka Midowga Afrika ee magaalada Johannesburg, kulan kula yeeshay Madaxweynaha Tanzania Jakaya Mrisho Kikwete.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu horeyn uga mahadceliyey dowladda Tanzania gacanta ay ka geysato dadaalka Midowga Afrika iyo beesha caalamka ee ku aaddan dib u dhiska Soomaaliya, isagoo dhanka kalena sheegay in Tanzania ay tusaale u tahay dalalka qaaradda Afrika, dhinacyada siyaasadda, xasiloonida iyo midnimada.

Sidoo kale Madaxweynaha Tanzania, Jakaya Kikwete ayaa isna kulankaasi ka sheegay in dowladdiisa ay mar walba diyaar u tahay inay iskaashi dhinacyo badan la sameyso Soomaaliya, isagoo sidoo kale bogaadiyey horumarka siyaasadeed iyo nabadgelyo ee ay Soomaaliya ku tilaabsatey, colaadihii iyo dhibaatooyinkii dhacay kadib.

Madaxweyne Kikwete ayaa sidoo kale kulankaasi casuumaad ugu fidiyey Madaxweynaha Soomaaliya inuu booqdo Tanzania, iyadoo Madaxweyne Xasan Sheekh uu casuumaaddaasi aqbaley.

Ugu danbeyntii kulanka ayaa la sheegay in uu ku dhacay jawi is-afgarad leh, waxaana goob joog ka ahaa Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Hadliye Cumar, Wasiir ku Xigeenka Arrimaha Dibedda ee Tanzania, Mahadi Maalim iyo mas’uuliyiin kale.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!