Madaxweyne Xassan Sheekh oo la kulmay ergeyga midowgga Africa ee Soomaaliya

by admin | Saturday, Oct 18, 2014

Muqdisho : HN :– Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xassan Sheekh Max’uud ayaa maanta magaalada Muqdisho kula kulmay ergeyga cusub ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya  Maman Sidikou oo shalay caasimadda gaaray.

Wasiirka arrimaha dibadda, Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo kulanka kaddib saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in madaxweynaha iyo danjire Sidikou ay ka wada-hadleen arrimaha ammaanka iyo xoojinta howlgalka AMISOM ee ka dhanka ah Al-Shabaab.

Beyle ayaa sheegay in madaxweynuhu soo dhaweeyey wakiilka cusub ee loo soo magacaabay Soomaaliya oo xaruntiisu noqon doontoMadaxweyne-Xasan-Sheekh-NEWS3 Muqdisho.

Wakiilka Midowga Afrika ayaa isna sheegay in uu adkeyn doono la shaqeynta dowladda Soomaaliya iyo ciidankeeda si nabadgelyada dalka loo soo celiyo.

Maman Sidikou oo u dhashay dalka Niger ayaa beddelay  Mahamet Salah Annadif oo horey u ahaa wakiilkii Midowga Afrika ee Soomaaliya.

Hiiraan Net.

 

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!