Madaxweyne Xassan Sheekh oo la kulmay guddiga badbaadinta qaxootiga

by admin | Thursday, May 21, 2015

Muqdisho : HN :–Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xassan Sheekh Max’uud ayaa kulan la qaatay guddiga Bad-baadinta iyo samata bixinta qaxootiga Soomaaliyeed ee Yemen, kuwaasoo maalmihii la soo dhaafay ku guda jiray howlo loogu gurmayo dadka ka soo cararaya colaadaha Yemen.

Kulankan ayaa waxaa Madaxweynaha ku wehliyay Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid iyo xubno ka tirsan Golaha Wasiiradda, Guddiga Bad baadinta qaxootiga Yemen iyo Ururada bulshada.

Guddoomiyaha Guddiga Bad-baadinta iyo samta bixinta Sheekh Nuur Baaruud Gurxan ayaa ka hadlay howsha guddiga oo uu sheegaykulan-qaxooti in dadaal badan ay sameeyeen oo loogu gurmanayo dadka Soomaaliyeed ee ku dhibaateysan Yemen, isla markaana lacagaha ay dadka Soomaaliyeed ka soo uruuriyeen ay si Alle ka cabsi ah u gaarsiinayaan qaxootigaas ka imaanaya Yemen.

Guddiga ayaa maalmihii u dambeeyay waxaa uu qabanayay barnaamijyo lacago loogu yaboohayay, si wax loogu qabto qaxootiga ka imaanaya Yemen, waxaana Idaacadaha Muqdisho si toos ah uga baxayay barnaamijka yabooha ahaa oo siyaasiyiinta, ganacsatada iyo shirkadaha ganacsi ay lacago ka ballan qaadayeen.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya in ay wado dadaalo ay ku bad-baadineyso dadka Soomaaliyeed ee Yemen colaadu ku heyso, waxaana uu xusay in shaqaalaha rayidka ah, Ciidamada qalabka sida, laga goynayo qidmooyin lagu caawinayo dadka Soomaaliyeed.

Ugu dambeyn Madaxweynha ayaa ugu baaqay guud  ahaan shacabka Soomaaliyeed  in ay caawiyaan qaxootiga Soomaaliyeed, isla markaana ay si walaaltinimo iyo  ixtiraam ay ku jirto ay u soo  dhoweeyaan muwaadiniinta Yemen ee dalkeena u soo qaxay oo uu tilmaamay in Yemen horey ay abaal weyn ay inoo galeen sida uu yiri Madaxweynuha.

Hiiraan Net.

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!