Madaxweyne Xassan Sheekh oo la kulmay hogaamiyaha Falastiin Max’uud Cabaas

by admin | Saturday, Mar 14, 2015

Sharm Sheik : HN :–Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xassan Sheekh Max’uud ayaa maanta magaalada Sharm El Sheikh ee dalka Masar kula kulmey madaxweynaha maamulka Falastiin Max’uud Cabaas oo ka mid ah madaxda ka qeyb-galeysa shirka caalamiga ah ee dhaqaalaha iyo maalgashiga Masar.

Labada madaxweyne ayaa kulankooda kaga wadahadley xoojinta xiriirka labada dhinac, xaaladaha Bariga dhexe iyo arrimo kale oo la xiriira amniga caalamka.

Madaxweyne Xassan Sheekh Max’uud ayaa madaxweynaha Falastiin uga warbixiyey xaaladda Soomaaliya iyo barnaamijyada la SAWIR-620x264doonayo in lagu xaqijiyo sidii dib ay Soomaaliga cagaheeda isku taagi lahayd.

‘’Maadaama aan haatan ka soo kabaneyno dagaaladii sokeeye, waxaan aaminsanahay in Soomaaliya iyo falastiiniyiinta uu xiriirkooda sii xoogeysan doono, aana sii wadno taageerada qadiyadda falastiin oo aan weligeen safka hore kaga jirney’’ ayuu yiri madaxweynaha.

Madaxweynaha Falastiin ayaa isna kulankaasi uga warbixiyey xaaladda dhulka falastiiniyiinta iyo qorshaha nabadda bariga dhexe.

Labada hoggaamiye ayaa sidoo kale ka wadahadley doorka Jaamacadda Carabta iyo waddamada xubnaha ka ah ay ka qaadanayaan dagaalka ka dhanka ah argagixisada iyo xalinta mashaakilaadka ka jira dalalka Carabta qaarkood.

Kulankaasi oo ku dhammaadey jawi is-afgarad ayaa waxay labada madaxweyne ku heshiiyeen inay dib kulamo kale ku yeeshaan fadhiyada soo socda ee Jaamacadda Carabta.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!