Madaxweyne Xassan Sheekh oo la kulmay ra’iisal wasaaraha dalka Itoobiya

by admin | Wednesday, Feb 18, 2015

Addis Ababa : HN :– Madaxweynaha dawladda Federaalka ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa kulan la qaatay Raiisalwasaaraha dalka Itoobiya Hailemariam Desalegn.

Madaxweyne Xassan Sheekh ayaa uga qeyb-gallaya dalka Itobiya Munaasabad lagu weyneynayo 40-sano Guuradii kasoo wareegtay soo bilaabida dhaqdhaqaaqa xoriyad-doonka dalka Itoobiya lana wareegeen talada dalka 1991.

Madaxda labada wadan ayaa kawada hadlay Xaaladda Siyaasadeed ee dalka Iyo La dagaalanka Xoogaga Al-Shabaab ,waxaana ay isla garteen in640x427xIMG_4626.jpg.pagespeed.ic.xdtgsxc6Iy lasii laba laabo Iskaashiga labada wadan.

Afhayeenka Madaxtooyada Dowladda Federaalka Soomaaliya Daa’uud Aweys oo u waramay Raadiyaha afka Dowladda ayaa sheegay in Munaasabada 40-sano Guurada ka qeybgaleen Madax ka kala socota dalka Caalamka iyo Safiirada u jooga Addis ababa.

Sidoo kale,waxaa la filayaa inta uu Addis Ababa ku suganyahay Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud in uu kulamo la qaato Madaxda Caalamka ee ka qeybgaleysa 40-sano Guurada dhaqdhaqaaqa Xoriyad doonka Itoobiya.

Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud oo Todobaadkii hore arrimo Caafimaad u tagay dalka Jarmalka ayaa Muqdisho kusoo laabtay shalay balse ma uusan siin wax hadal ah Saxaafada.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!