Madaxweyne Xassan Sheekh oo la kulmay wakiil ka socday dadka naafada ah

by admin | Monday, Mar 23, 2015

Muqdisho : HN :–Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xafiiskiisa kulan kula yeeshay wakiillo u ololeeya xuquuqda Dadka Naafada ah.

Xubnahaas oo isugu jiray aqoon-yahanno iyo shaqaale hay’ado kala duwan ayaa waxay madaxweynaha u soo bandhigeen baahida sharci ee loo qabo in dastuurku uu damaanad qaado xuquuqda dadka aanu lixaadkoodu dhameyn.

Wakiilladu waxay kaloo madaxweynaha hordhigeen baahida waxbrasho, midda shaqo iyo tan daryeel ee ay qabaan dadka naafada ah oo ay sheegeen in ay Somalia ku badan yihiin, dagaalka sokeeye awgood.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa markii uu dhegeystay talooyinka ay u soo jeediyeen wakiilladan iyo codsigooda wuxuu ballan-qaadayMadaxweynaha_oo_kulan_Naafada (2) in dowladdu ay diyaar u tahay inay qaaddo tallaabo kasta oo lagu sugi karo xuquuqda dadka naafada ah, isla markaasna ay ku shaqeyn doonto siyaasad ku wajahan sidii loo baahi-tiri lahaa dadka naafada ah.

Sidoo kale, madaxweynuhu wuxuu sheegay in madaxtooyada laga sameyn doono xafiis qaabilsan daba-galka howlaha ku wajahan sugidda xuquuqda dadka naafada ah ee aanu lixaadkoodu dhameyn.

Ugu dmbeyn, Xasan Sh. Maxamuud ayaa ku dhawaaqay in la qabanayo Shir-weyne Qaran oo wakiillo ka socda gobollada dalka ay ka qaybgali doonaan si looga tashado horumarinta daryeelka naafada iyo sugidda xuquuqdooda.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!