Madaxweyne Xassan Sheekh oo la kulmay xildhibaannadii taageeray ra’iisal wasaare Cabdiwali

by admin | Wednesday, Dec 10, 2014

Muqdisho : HN :– Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xassan Sheekh Max’uud oo wali ku jira latashigiisii ku aadanaa soo magacaabista ra’iisal wasaarihii sadexaad labo sanno gudaheed, ayaa kulan la qaatay xildhibaannadii sidda weyn u taageeray ra’iisal wasaarihii kalsoonida lagala noqday.

Kulanka madaxweynaha iyo xildhibaannada ayaa looga hadllay sidda wararku sheegayaan arrimo badan, gaar ahaan soo xulista ra’iisal wasaaraha badallaya Cabdiwali Sheekh Axmed Max’ed, waxaana uu madaxweynuhu u sheegy xildhibaannada in ay muhiim tahay in meel leyska dhigo khilaafka lagana wadda shaqeeyo danta umadda.

Wararka ayaa sheegaya in 80-ka Xildhibaan ee difaacayay Ra’iisul Wasaare C/wali Sheekh Axmed ay codsadeen inay muhiim tahay inmadaxda_iyo_xaflad_10 arrimaha soo magacaabisa Ra’iisul Wasaaraha lagala tashto.

Madaxweynaha oo labadii maalmood ee u dambeeyay ku guda jiray wada tashiyadiisa dhinaca soo xulida Ra’iisul Wasaare cusub, ayaa waxaa soo baxaya Xildhibaanadii labada dhinac ahaa oo dhankooda dalbanaya inay tashi ku lahaadaan Ra’iisul Wasaaraha imaanaya.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Madaxweynaha uu damacsan yahay in uu ku dhawaaqo ra’iisul wasaaraha labada maalmood ee soo socota, ka hor inta aanu u ambabixin dalka Masar oo la filayo in Madaxweynuhu booqasho labo cisho ah ku tago.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kulamadii uu la qaatay wakiilada beesha Caalamka u jooga Soomaaliya waxaa uu u cadeeyay in sida ugu dhaqsiyaha badan uu ku soo magacaabi doono Ra’iisul Wasaare bedela Ra’iisul Wasaarihii la riday C/wali Sheekh Axmed.

Shaqsiyaad badan ayaa la hadal hayaa, iyadoo marba shaqsi loo badinayo in loo magacaabi doono xilka Ra’iisul Wasaaraha, waxaana socda olole ballaaran oo ay siyaasiyiin iyo Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka u wadaan hadba shaqsiyaadka doonaya in xilka Ra’iisul Wasaaraha loo magacaabo.

Lama oga cida uu xulan doono Madaxweynaha, iyadoo kulamada wada tashiyada ee ku aadan magacaabida Ra’iisul Wasaaraha la filayo inuu ka qeyb geliyo ururada bulshada.

Hiiraan Net.

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!