Madaxweyne Xassan Sheekh oo la kulmay xildhibaanno ka socda baarlamaanka Kenya

by admin | Wednesday, Aug 19, 2015

Muqdisho : HN :–Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Max’uud oo uu wehliyo ra’iisul wasaare Cumar C/rashiid ayaa xarunta madaxtooyada kula kulmey wafdi ka socdey Guddiga Difaaca iyo Arrimaha Dibadda ee Baarlamaanka dalka Kenya oo booqasho ku jooga dalka.

Xasan Sheekh ayaa uga mahad-celiyay Wafdiga Baarlamaanka Kenya, Booqashada ay dalka ku yimaadeen oo uu sheegay inay muhiim640x427x338.jpg.pagespeed.ic.5kQFbKqnK3 u tahay xoojinta iskaashiga labada dal.

“Soomaaliya iyo Kenya waa daris uu xiriir wanaagsan ka dhexeeyo. Taariikhda cusub ee Somalia ee qormeysa, Kenya qayb ayay ka tahay. Kenya waxay soo dhaweysay kumanaan Soomaali ah, oo xitaa ganacsiyo waaweyn ku leh Nairobi iyo meelo kale oo Kenya ka mid ah,” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Isagoo sii hadlaya ayuu Xasan Sheekh yiri mar kale. “Waxaa intaasi dheer inay Kenya ka mid noqotay waddamada wiilashooda iyo gabdhahooda u soo diray Soomaaliya si ay nabad uga dhaliyaan. Waxaana filayaa in iskaashiga labadeena dal uu intan ka sii xoogeysto.’’

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale wafdiga u sheegay in Soomaaliya ay gacmo furan ku soo dhaweyneyso Maal-gashiga Ganacsatada Kenya, Dowladda Soomaaliyana ay fududeyn doonto sidii arintaasi loo suuragelin lahaa.

Waxaa uu sidoo kale wafdiga ka codsaday inay salaan diiran ka gaarsiiyaan Madaxweyne Uhuru Kenyatta, Madaxweyne ku xigeenka, William Ruto iyo Weliba Guddoomiyaha Baarlamaanka Kenya.

Ra’iisul Wasaare Sharma’arke ayaa isagana ka hadlay kulanka isagoo oo diiradda saaray muhiimadda xoojinta xiriirka labada dal iyo dhinacyada ay labada dal iska kaashan karaan.

Wafdiga ka socda Guddiga Difaaca iyo Arrimaha Dibedda ee Kenya ayaa waxaa ka mid ah Ilyaas Barre Shiil, Xildhibaan Richard Onyonka, Xildhibaan Wafula Wamunyinyi iyo mas’uuliyiin kale.

Ugu dambeyn, Xubnaha Wafdiga Kenya ayaa sheegay inay ka shaqeyn doonaan xoojinta iyo iskaashiga labada dal ka dhexeeya.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!