Madaxweyne Xassan Sheekh oo la kulmay xubno ka tirsan hay’adda culimada

by admin | Sunday, Apr 5, 2015

Muqdisho : HN :–Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xafiiskiisa kulan kula yeeshay qaar ka mid ah culummada Soomaaliyeed, isagoo ka dalbaday inay faafiyaan fahamka saliimka ah ee diinta Islaamka.

Kulanka ayaa looga hadlay doorka culummadu ay ku leeyihiin dib u dhiska dalka iyo ka hortagga kooxaha sida xun u adeegsada diinta Islaamka, isagoo cambaareeyay weerarkii waxashnimada ahaa ee ka dhacay Gaarisa-Kenya, kaasoo lagu diley 148-qof oo arday u badnaa.

Sidoo kale, kulanka oo uu goob-joog ka ahaa ra’iisul wasaaraha Somalia, Cumar C/rashiid ayuu madaxweynaha Samalia kaga hadlayMadaxweynaha_oo_la_kulmay_Culummaa'uddiinka (1) muhimadda iskaashi oo dhexmara culummada iyo dowladda, si kor loogu qaado fahamka saxda ee diinta Islaamka.

“Waa muhiim in fikirka bulshadeenna uu noqdo mid saliim ah oo dadka iyo dalkeenna lagu badbaadin karo. Weerarkii lagu laayey ardayda jaamacadda Gaarisa waxaa geystey kooxo diinta Islaamka meel uga dhacay, iyagoo doonaya inay colaad abuuraan. Hadafkeennu waa inaan dalalka deriska ah nabad kula noolaanno, si taas loo gaarana waa lagama maarmaan inaan ka wada-shaqeyno innaga iyo culummadeenna,’’ ayuu yiri Xasan Sheekh.

Ugu dambeyn, culumadii kulanka ka qaybgalay oo hadallo jeediyay ayaa taageeray fikirka dowladda, isla markaana xusay inay diyaar u yihiin wacyi-gelinta bulshada, kor u qaadista fahamka saliimka ah ee diinteenna Islaamka iyo inay ka shaqeeyaan dib u dhiska iyo dib u heshiisiinta.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!