Madaxweyne Xassan Sheekh oo la shiray danjirayaasha wadamada carabta ee Soomaaliya

by admin | Sunday, May 10, 2015

Muqdisho : HN :–Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta madaxtooyada Somalia kula kulmay danjireyaasha dalalka Carabta u jooga Somalia ayaa ka dalbaday inay Somalia maal-gashi ku sameystaan.

Xasan Sheekh ayaa danjireyaasha uga warbixiyay xaaladda siyaasadeed ee dalku marayo, qorshaha dhismaha iyo iKulan_Madaxtooyada_Somalia (1)sku-dhafka Ciidamada, Adeegyada Bulshada, Dhaqaalaha iyo Maal-gashiga.

“Waxaan idin kaga mahad-celinaynaa sida aad mar walba inoo garab-taagan tihiin, welina waan u baahannahay inaad sii wadaan taageeradiina. Gobollada Soomaaliya oo dhan waa kuwo kheyraad kala duwan leh, sidaa daraadeed waxaan idin ka codsanaynaa inaad maal-gashi ku sameysaan,” ayuu ka yiri madaxweyne Xasan kulanka uu danjirayaasha la qaatay.

Isagoo sii hadlaya ayuu mar kale yiri. “Badeecadaheena waa inaad u furtaan suuqyadiinna, waayo waxay taasi naga caawineysaa inaan sameynno dib u kabasho dhaqaale oo waxtar leh u leh ummadda Soomaaliyeed.”

Ugu dambeyn, danjirayaasha dalalka Carabta oo iyaguna kulanka ka hadlay ayaa sheegay inay soo dhowaynayaan horumarka siyaasadeed iyo dib u dhis Soomaaliya ka socda, ayna dalalkoodu sii wadayaan la shaqeynta Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed.

Hiiraan Net

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!