Madaxweyne Xassan Sheekh oo lagu soo dhaweeyay magaalada Cadaado

by admin | Tuesday, Apr 14, 2015

Cadaado : HN :–Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xassan Sheekh Max’uud iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Cadaado ee gobolka Galguduud, halkaasoo la fillayo in uu ka furmo shirka dhismaha maamulka gobollada dhexe.

Wasiirka arrimaha gudaha,madaxweynaha maamulka iyo bulshada qaybaheeda oo ay odayaasha dhaqanka ku jiraan ayaaxz madaxweynaha soo dhaweyntiisa ka qayb-gashay.

Madaxweynaha waxaa la filaya in uu kulammo la qaato madaxda maamulka Ximan iyo Xeeb ityo odayaasha dhaqan oo ay waheliyaan bulshada qaybaheeda.

Waxaa siddoo kale lafgu wadaa in madaxweynaha uu kaga dhawaaqo magaalada Cadaado waqtiga rasmiga ah ee uu furmayo shirka dhismaha maamulka gobollada dhexe.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!