Madaxweyne Xassan Sheekh oo maalintii labaad ku sugan magaalada Dhuusa-mareeb

by admin | Wednesday, Mar 25, 2015

Dhuusa-mareeb : HN :– Wada hadallo u dhaxeeya madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xassan Sheekh Max’uud iyo odayaasha dhaqanka beellaha gobollada Galguduud iyo Mudug ayaa maalintii labaad ka soconaya magaalada Dhuusa-mareeb ee gobolka Galguduud.

Kulamada oo ah kuwo ad-adag ayeey wararku sheegayaan in  xalay waqti dheer la isla gaaray, iyadoo aanay wax natiijo ah laga gaarin, iyadoo mar kale saaka dib la isugu soo laabtay, waxaana Madaxweynuhu uu dadaal ugu jiraa sidii uu Odayaasha ugu qancin lahaa inay ka tanaasulaan baaqooda ah in shirka dib u heshiisiinta lagu qabto Dhuusa Mareeb.

Madaxweynaha ayaa sheegay in dowladda ay mar walba garab taagan tahay dhaqan gelinta go’aadana shirka dib u heshiisiinta ka soo2015325635628449150460981Shirka_Dhuuso_Mareeb_Xasan_Sheekh (3) baxa, isagoo xusay in loo baahan yahay in si aan muran iyo is qab qabsi ku jirin in natiijooyin wax ku ool ah ay shirka uga soo baxaan.

Warar ku dhow dhow kulamada socda ayaa sheegaya ergooyinka ay ku wargeliyeen madaxweynaha in shirka uu ka dhaco Dhuusa Mareeb, caasimadana ay isla Dhuusa Mareeb, iyadoo Madaxweynuhu doonayo in xal laga gaaro arrintan.

Madaxweynaha ayaa la sheegay inuu ugu jawaabay Odayaasha in Caasimada laga dhigayo Dhuusa Mareeb, balse ay tahay Cadaado in la tago, taasoo ay ka biya diideen ergooyinka.

Inkastoo Saxaafada ay dibad joog ka tahay, hadana waxaa la leeyahay wali waa ay adag tahay inay ka soo baxaan natiijo ka soo baxaan, marka loo eego sida Odayaasha ay ugu dhegan yihiin mowqifkooda iyo go’aanadii ay ka soo saareen shirka dib u heshiisiinta.

Lama oga waxa ka soo bixi doona wada hadaladan, waxaana hadii ay fashilmaan ay dib u dhac kale ku keeni kartaa shirka maamul u sameynta Gobolada Dhexe oo ay wali caqabado adag ku hor-gudban yihiin.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!