Madaxweyne Xassan Sheekh oo maalmaha soo socda booqan doona degmada Cadaado

by admin | Friday, Jan 2, 2015

Muqdisho : HN :– Waxaa lagu waddaa in maalmaha soo socda madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xassan Sheekh Max’uud markii ugu horeysay booqasho uu ku tagay degmada Cadaado oo xarun u ah maamulka Ximin iyo Xeeb, halkaasoo la fillayo in uu ka furmo shirka dhismaha maamulka saddexda gobol.

Booqashadan waxaa la filaya inay u billaabato madaxweynaha iyo wafdi wahelin doono,marka la soo dhiso xukuumadda cusub ee ra’iisul wasaare Cumar Sharma’arke.

Ujeedka safarka madaxweynaha ee Cadaado waxaa lugu sheegay inay salka ku hayso sidii loo dar dar galin lahaaMadaxweyne-Xasan-Sh-Max1 dhismaha maamulka gobollada dhexe oo xilligan ay ka socoto gobollada dhexe gaar ahaana degmada Cadaado.

Degmooyinka gobollada dhexe waxaa ka socda abaabul iyo olole siyaasadeed oo ku aadan dhismaha maamul goboleed ka hirgala deegaanadaas inkastoo uu jiro khilaafyo u dhaxeeya dadka ku dhaqan deegaanadaas oo la xiriira qaabka awood qaybsiga Beelaha.

Dad badan ayaa qaba maamulkaas la fillayo in loo sameeyo gobollada dhexe uusan noqon doonin mid si rasmi ah u hergalin madaama waqtigan uu wajahayo dood adag oo dhinaca dastuurka ah.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!