Madaxweyne Xassan Sheekh oo maanta u anbabaxay dalka Mareykanka

by admin | Monday, Sep 22, 2014

Muqdisho : HN :–Madxaweynaha dowladda faderaalka Soomaaliya,Xassan Sheekh Max’uu iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goor dhawayd u duulay dalka Marekanka.

Mas’uuliyiiMadaxweyne-Xassan-Sheekhn ka tirsan dowlada ayaa madaxweynaha ku sii sakootisay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Xassan Sheekh waxaa la sheegay inuu magaalada New York uga qeyb-galo shir madaxeedka Qaramada Midoobay.

Madaxweynaha ayaa lagu wadaa inuu halkaas ka jeediyo khubad uu uga hadlayo horumarrada ay dowladdiisa ka sameyneyso gudaha dalka iyo caqabadaha jira xilligan.

Sidoo kale,waxuu uu madaxweyne Xasan New York kula shiraya madaxweynaha dalka Kenya, Uhuru Kenyatta, iyagoo ka wada hadli doona khilaafka xadka badda ee labada dal u dhaxeeya.

Hiiraan Net.

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!